Wasaarada Cadaalada Soomaaliya oo sheegtay in dhawaan la furi doono xabsi cusub

Wasiirka wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka dowlada fedraalka Soomaaliya Xassan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in dhawaan xariga laga jari doono xabsi cusub oo ay dowlada Soomaaliyeed Dhistay.
Wasiirka oo kulan la qaatay hay’ada culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in isbadalo lagu samayn doono maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.
Xassan Xuseen Xaaji Wasiirka wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka dowlada fedraalka Soomaaliya ayaa Tilaamay inay dhawaan Hirgalin doonaan xabsigaas ay dowlada Soomaaliya dhistay laguna wareejin doono maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe iyo kuwo kale.
Sidoo kale wasiirka ayaa Tilmaamay inay culimada ka wada hadleen arimaha la xiriira Dastuurka dalka u degsan iyo sharciga islaamka.

Hadalka wasiirka Cadaalada Soomaaliya Xassan Xuseen Xaaji wuxuu imaanayaa ayadoo dabayaaqadii sanadkii hore ay dowlada Soomaalia xirtay xabsigii lagu magacaabi jiray godkii Jilicow oo lagu xiri jiray shaqsiyaadka danbiyada culus ku eedaysan dowladuna ay sheegtay inay wax badan ka badalayso xaalada maxaabiista Soomalaiyeed ee ku jira xabsiyada kala duwan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *