5 qof oo hal qoys ka tirsan oo ku dhintay dab gurigooda qabsaday

Booliska degaanka Kipipiri ee ismaamulka Nyandarua , bartamaha dalka ayaa guda galay baaritaano la xariira dhacdo ay ku nafwayeen 5 xubnood oo hal qoys ka soo wada jeeda.
Arrintan ayaa timid kadib markii uu dab xooggan ka kacay hooygooda oo ku yaallo goobta loo yaqaano Geta-bushi xilli habeenimo ah.
Saraakiil ka howlgalo saldhigga booliska ee Miharati ayaa goobta gaaray waxayna meydadka u qaadeen goobta la dhigo.
Ilaa iyo hadda ma cadda sababta keentay in dabka uu qabsado gurigaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *