Madaxweynaha kuuriyada waqooyi oo safar ku tagay Shiinaha

Hoggaamiyaha wadanka kuuriyada waqooyi Kim Jong-un ayaa safar ku tagay dalka Shiinaha oo uu ku sugnaan doono afar maalmood kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa xukuumada Beijing Xi Jinping.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo uu sii xoogeysanaya diyaar garowga loogu jiro inay mar labaad is arkaan Kim Jogn Un iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Wakaaladda wararka ee kuuriyada waqooyi ee KCA ayaa qortay in madaxweynaha dalkaasi uu galinkii dambe ee shalay u ambabaxay Shiinaha.
Waxaa safarkaasi ku wehelinaya xaaskiisa Ri Sol Ju iyo saraakiil sar sare oo dowladda ka tirsan.
Labada madaxweyne ee Shiinaha iyo kuuriyada waqooyi ayaa la filaya inay ka wada hadlaan arrimaha ganacsiga iyo xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeya.
Safarka hoggaamiyaha kuuriyada waqooyi ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu soo saaray digniin ah inay dhinac kale eegi doonaan hadii maraykanka uunan ka qaadin xayiraadda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *