Madaxweynaha Turkiga oo soo jeediyay in si fiirsasho leh ciidamada Maraykanka looga saaro suuriya

Madaxweynaha Turkiga oo soo jeediyay in si fiirsasho leh ciidamada Maraykanka looga saaro suuriya
Hoggaamiyaha wadanka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo dhaweeyay go’aankii dhigiisa Maraykanka Mr. Donald Trump uu ku sheegay inuu ciidamadiisa kala baxayo Suuriya.
Hasa ahaate waxaa uu ku talinayaa in tallaabadasi ay noqoto mid laga taxadarro oo u fiirsasho leh.
Mr. Erdogan ayaa muujiyay sida Turkiga ay uga go’antahay in laga adkaado kooxda la magacbaxday khilaafada islaamiga ee ISIS iyo ururada kale ee weerarada argagixiso ka geysta gudaha wadamada Suuriya iyo Ciraaq.
Sido kale madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in Maraykanka laga doonayo inuu qorsho u dejiyo ciidamada uu kala baxaya Suuriya oo uu wada tashi la sameeyo saaxiibada kale.
19-kii bishii Disembar ee sannadkii hore ayay ahayd markii madaxweynaha Maraykanka , Donald Trump uu ku dhawaaqay in laga guuleystay ISIS sidaasi awgeedna 2000 oo ciidamo ah oo ka joogo Suuriya oo halkaasi ka saaraya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *