Wasiirka arrimaha gudaha oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah burcadda Mombasa

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dalka iyo isku duwidda howlaha qaran Dr. Fred Matiang’I ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay si weyn ula dagaalamayaan burcadda hubeysan ee dhibaateya shacabka ku nool degaanka Kisauni ee ismaamulka Mombasa.
Arrintan ayaa timid kadib markii sannadkii tagay ee 2018-kii oo keliya degaankaasi lagu dilay ugu yaraan 20 qof.
Dr Matiang’I oo shalay tagay Kisauni ayaa wacad ku maray in burcadda aanan wax naxariis ah loo muujin doonin oo laga qaadayo tallaabo adag.
Shacabka ayuu ku booriyay inaynan walaac muujin isagoo u xaqiijiyay in dowladda ay sugi doonto ammaanka degaankaasi iyo guud ahaan gobolka xeebta.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in la qorsheeyay howlgal ballaaran oo uu xilli kale faahfaahin ka bixin doono.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay jiraan goobo gaar ah oo dowladda u bartilmaameedsan si looga cirib tiro kooxaha ka howlgalo ee geysta falalka amniga lidiiga ku ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *