Ciidamo dheeraad ah oo buux dhaafiyay magaalada Afgooye.

Wararka ka imaanaya magaalada Afgooye ee gobolka shabeelada Hoose dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in magaaladaasi ay maalmihii la soo dhaafay buux dhaafiyeen cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Ciidamada gaaray degmada Afgooye ayaa waxay dhamaan xaafadaha magaaladaasi ka bilaabeen howlgalo kala duwan waxaana magaalada si weyn looga dareemayaa isbadalo dhanka amaanka ah.
Shalay waxaa magaalada Afgooye Gaaray saraakiisha ugu saraysa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxaana wararku sheegayaan in halkaas uu ku sugan yahay taliyaha militariga.
Sidoo kale magaaladaas ayaa lagu wadaa inay gaaraan saraakiil sare oo dowlada Soomaaliya ka tirsan wallow aan la magacaabin shaqsiyaadka tagaya magaaladaas,warbaahinta gudaha ayaa baahisay in masuuliyiinta halkaas tagaya loo badinayo inay noqdaan madaxda dalka ugu saraysa maadaama si aad ah gacanta loogu dhigay amniga magaaladaas oo isbadal weyn laga dareemayo.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *