DHAGEYSO:Barasaabka Nairobi oo ka hadlay tallaabadii ay isku casishay wasiiraddii waxbarashada

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa faahfaahin ka bixiyay tallaabadii maalmo ka hor ay xilkii ay haysay isaga casishay wasiiradii waxbarashada ee caasimadda dalka ,Janet Muthoni-Ouko.
Tallaabadan oo ay qaadday isniintii ayay u aaneysay caqabado dhowr ah oo ay la kulantay.
Waxaa caqabadaha qeyb ka ah inay yaryihiin tirada dugsiyada marka la barbardhigo ardayda wax ka barto xarumahaasi waxbarasho.
Haweeneydan oo xilkan haysay wax ka yar laba sano ayaa sheegtay inay arrimo kale ku howlanaan doonto.
Ms Muthoni-Ouko ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay inay warqadda iscasilaadda ku wareejisay barasaabka caasimadda dalka Mr. Mike Sonko oo ay weli jawaab ka sugeyso.
Guddoomiyaha Nairobi ayay uga mahadcelisay inuu fursad u siiyay inay shacabka u adeegto.
Mike Sonko ayaa sheegay inuu aqbalay warqadda iscasilaadda ee ay u soo gudbisay hasa ahaate uu ku eedeynayo lacago laga dhacay wasiiradii ay hoggaamineysay.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday inay shaqadeeda sida habboon u gudan jirtay oo wax khilaaf ah uunan kala dhexeynin in kastoo sida uu hadalka u dhigay ay ka gaabisay inay wax ka qabato ama ka hor tagto xatooyada dhacday.
Mike Sonko ayaa sido kale digniin u jeediyay wasiiradda ka tirsan dowlad degaanka uu hoggaamiyo ee ay suurtagal tahay inay musuqmaasuq ku kacaan ama garab siiyaan.
Barasaabka caasimadda dalka ayaa si cad u sheegay inuunan marnaba u dulqaadan doonin dhacada kheyraadka dadweynaha xita hadii qofka lagu eedeyo uu kala dhexeyo xariir wanaagsan oo dhanka shaqada ah.

Ms Muthoni-Ouko ayaa qaabilsanayd arrimaha waxbarashada , dhalinyarada , cayaaraha , jinsiyadda iyo adeegga bulshada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *