Ergeyga qaramada midoobay ee Yemen oo la kulmay madaxweyne Hadi

Danjiraha qaramada midoobay ee dalka Yemen Martin Griffiths ayaa kulan la qaatay madaxweynaha wadankaasi Cabdurabbu Mansuur Hadi.
Labadan mas’uul ayaa isku arkay caasimadda boqortooyada sacuudi carabiya ee Riyadh.
Kulankan ayaa ku soo aadaya iyadoo ay socdaan dadaalo la doonayo in dhinacyada dagaallamaya looga dhaadhiciyo inay dhaqangeliyaan heshiis ku aadanaa xabadjoojin.
Sido kale maalmo ka hor ayay ahayd markii ergeyga uu magaalada Sancaa ee Yemen uu kula kulmay xubnaha fallaagada xuutiyiinta.
Madaxweyne Cabdurabbu Mansuur Hadi oo maamulkiisa uu taageero isbeheysiga militari ee uu Sacuudiga hor kacayo ayaa Mr. Martin u sheegay inuu diyaar u yahay oo ay ka go’antahay in xabadjoojintii fashilantay ay dhaqan gasho.
Qaramada midoobay ayaa sheegtay in dagaallada ka taagnaa Yemen sannadihii la soo dhaafay ay macluul qarka u saareen 14 milyan oo qof.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *