Laba sarkaal oo horay uga tirsanaa guddiga EACC oo la ganaaxay

Waxaa ganaax lacageed oo dhan 800,000 oo shilin la saaray laba sarkaal oo horay uga mid ahaa howlwadeenada guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC.
Arrintan ayaa timid kadib markii lagu caddeeyay inay lacago laaluush ah qaateen.
Garsoore Felix Kombo ayaa sheegay in waaxda dacwad soo oogidda ay soo bandhigtay caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo kiisaska ka dhanka ah Felix Mutinda iyo Fredrick Omaya.
Eedeysanayaashan ayaa loo haystaa inay laaluush dhan 180,000 oo shilin ka qaateen haweeney ganacsatada ah oo lagu magacaabo Judith Kashem.
Waxay doonayeen inay u fududeyaan in shirkadeeda ay ka mid noqoto liiska shirkadaha qandaraaska la qaadan karo ama qalabka kala duwan ku wareejin karo guddiga EACC.
Mr. Mutinda ayaa sido kale lagu soo oogay dacwad ah inuu qaatay 100,000 .
Garsooraha ayaa go’aamiyay in Felix Mutinda uu bixiyo ganaax lacageed oo ah 500,000 halka Mr. Omanya laga doonayo 300,000 ama labaduna ay muddo hal sano ah xabsiga ku jiraan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *