Madaxweynaha maamulka Jubaland oo wali kulamo la qaadanaya waxagradka gobolka jubada Hoose.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) ayaa wali wuxuu dhaq dhaqaaqyo iyo abaabul dagaal oo AL-shabaab ka dhan ah ka wadaa degmada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor waxaa uu sheegay in howlgalka Al-Shabaab ka dhanka ah laga qaadi doono degmada Afmadow, maadaama uu sheegay in qorshahaas uu sheegay mid meel wanaagsan hada maraya.
Madaxweynaha Jubbaland Waxaa uu shaaciyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab laga saari lahaa degmada Bu’aalo ee Gobolka Jubbada dhexe oo sidoo kalena ah Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Jubbaland,isla markaana ay Shabaab mud badan soo maamulayeen.
Saraakiisha ciidamada ee ku sugan deegaanada Maamulka Jubbaland ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah xooggag Al-Shabaab waxay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobalada Jubooyinka oo ay wali AL-shabaab ku sugan yihiin

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *