Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay saraakiisha ciidanka.

Madaxweynaha cusub ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Ku Xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ayaa maanta waxay kulan deg deg ah la qaateen taliyaasha iyo saraakiisha ciidamada Puntland.
Kulankaan oo ka dhacay guriga uu degan yahay Madaxweynaha shalay la doortay ee maamul goboleedka Puntland ayaa ku saabsanaa adkaynta iyo dar-dar gelinta ammaanka deegaanada Puntland.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku ammaanay Saraakiisha Ciidamada dadaallada ku aadan suggitaanka Ammaanka degaanada maamulka iyo sidii ay adkeyeen Amaanka magaalada Garowe xilligii a socotay qaban qaabada doorashadda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *