Saddex qof oo u dhashay Shiinaha oo la xiray kadib markii lagu helay eey hilibkii

Waxaa maanta maxkamadda la soo taagay afar eedeysane oo isugu jir saddex u dhashay wadanka Shiinaha iyo mid kenyaan ah oo ciidamada ammaanka ay ka soo qabteen xaafadda Kilimani ee magaaladatani Nairobi.
Dadkan ayaa la soo xiray iyagoo sida hilibka eeyga, foolasha maroodiga, maqaarka shabeelka iyo diindiin nool.
Ciidamada ayaa waxyaabahaasi gacanta ku soo dhigay kadib howlgal socday ugu yaraan sideed saacadood.
Sido kale saraakiisha booliska ayaa howlgalkaasi ku soo helay waxyaabo kontarabaan ah sida sigaarka oo qiimo ahaan lagu qiyaasay 2 milyan oo shilin.
Magacyada eedeysanayaashan ayaa lagu kala sheegay Mr Xing Wei, Mr Zhang Jie, Mr Shang Li iyo David Maseno Oseko.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *