Taalibaan oo dishay ugu yaraan 13 ka mid ah ciidamada Afghanistan

Kooxda Taalibaan ayaa lagu soo warramayaa inay waqooyiga Afghanistan ku dishay ugu yaraan 13 sarkaal.
Afhayeenka guddoomiyaha gobolka Balkh Munir Axmad Farhad, ayaa warfidiyeenka u sheegay in kooxda ay weerartay saldhig boolis oo ku yaallo degmada Chahar Bolak .
Waxaa uu Farhad intaasi ku daray in ciidamada dowladda ay markii dambe iska caabiyeen dagaalyahaanada soo weeraray.
Hasa ahaate Taalibaan ayaa dhankeeda sheegeysa inay ka takhalustay 24 sarkaal oo isugu jiro boolis iyo militari.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *