Wasiir horay uga tirsanaa maamulka Israa’iil oo qirtay inuu u basaasay iiraan

Wasiir hore oo ka tirsanaa maamulka Israa’iil lagu magacaabo Gonen Segev ayaa qirtay inuu basaas u ahaa Iiraan.
Waxaa uu ahaa wasiirkii tamarta Israa’iil bartamihii sagaashameeyadii.
Mas’uulkan ayaa lagu riday xukun 11 sanno oo xabsi ah.
Qirashada dembiga uu galay ayaa timid xili uu isku dayay inuu racfaan ka qaato xukunka xabsi ee la saaray sida laga soo xigtay wasaaradda cadaaladda.
Wasiirka wasaaradda tamarta ayuu ahaa intii u dhexeysay 1995 ilaa iyo 1996.
Waaxda Adeegga ammaanka ee The Shin Bet ayaa sheegtay in wasiirkan hore ay shaqaleysiisay waaxda sirdoonka ee iiraan si uu ugu basaaso xilli uu ku noolaa Nigeriya.
Bishii shanaad ee sannadkii hore ayaa laga soo qabtay wadanka Equatorial Guinea waxaana loo tarxiilay israa’iil.
Wasaaradda cadaaladda ee Iiraan ayaanan weli ka hadlin eedeymaha loo soo jeediyay wasiirkan hore.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *