4 qof oo loo xiray nin wayeel ah oo lagu dilay Kwale

Ciidamada booliska ee ismaamulka Kwale ee gobolka xeebta ayaa gacanta ku dhigay afar eedeysane oo lala xariiriyay dhacdo lagu dilay nin da’a ah .
Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta Mr. Bernard Leparmarai ayaa sheegay in shalay subax laga takhalusay nin 63 sano jir ah kadib muran dhanka dhulka ah.
Rag hubeysan oo aanan heybtooda la garan ayaa Zuma Ngome ku soo weeraray gurigiisa oo ku yaallo tuulada Mito Minane .
Mwaka Zuma oo ah gabadh uu dhalay aabahan la dilay ayaa warbaahinta u sheegtay in falkaasi la geystay koowdii habeenimo .
Qoyska ay dhibaatadan saameysay ayaa sheegay in maalmo ka hor oday dhaqameedyada tuuladaasi ay xalliyeen muran dhinaca dhulka ah oo u dhexeyay zuma Ngome iyo dariskiisa.
Mr. Leparmarai, isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta ayaa hoosta ka xariiqay in eedeysanayaasha la qabtay la rumeysanyahay inay ka mid ahayeen kooxda weerarka geysatay.
Sannadkii 2018-kii ugu yaraan 60 qof oo waweyn ayaa sababo la xariira dhulka loogu dilay ismaamulada Kwale iyo Kilifi .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *