Maraykanka oo wali ku adkeysanayaa in uu ciidamadiisa kala bixi doono Suuriya

Xoghayaha Arimaha Dibada ee wadanka Mareykanka Mike Pompeo ayaa mar kale sheegay in Mareykanka uu ciidamadiisa kala bixi doono dalka Suuriya .
Waxaa uu Pompeo sido kale sheegay in uu Maraykanka sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah kooxda ISIL.
Hadalkan ayuu xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka jeediyay xili uu kulan la qaatay dhigiisa dalka Masar Sameh Shoukry.
Maraykanka oo ku adkeysanayaa inuu ciidamadiisa kala soo baxayo Suriya ayaa hadana waxaa uu walaac ka muujiyay in ay sii xoogeystaan kooxaha ka dagaalamaa wadanka Suuriya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *