Moses Kuria oo beeniyay inuu iska casilay xilka xidhlibaanimo ee deegaanka waqoyga Kuria.

Xidhibaanka waqoyga Gatundu Moses Kuria ayaa maanta beeniyay warar dhawaanahan la isla dhexmaraayay oo sheegayay in mudanaha uu iska casilay xilkiisa mudananimo.
Wargeyska THE star ayaa arbacadii qoray in Moses Kuria uu warqada istiqaalada u gudbiyay afhayeenka aqalka baarlamaanka dalka Justin Muturi.
Sidoo kale qaar kamid ah warbaahinta maxaliga ee dalka ayaa iyagana sidaasi oo kale qoray.
Xidhlibaankan ayaa dhaleeceyn kala kulmay qaar kamid ah siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga talada dalka haye ee Jublee kadib markii uu eedeyn u jeediyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Moses Kuria ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in gobolka bartamaha dalka oo uu dhalasha ahaan ka soo jeeda uu ku gacan bidxeeyay mashaariicd hormarineed.
Waxaa uu sheegay in madaxweynaha uu masharic badan geeyay gobolada kale ee dalka gaar ahaan gobolka galbeedka oo ay ku xooganyihiin mucaaradka.
Moses Kuria oo inta badan lagu dhaliilo inuu jeediyo hadala naceyb iyo khalaaase ayaa raali galin ka bixiyay hadalkii uu jediyay.
Waxaa uu carabka ku adkeeyay in madaxweynaha uu kala dhaxeeyo xiriir aad u wanagsan, balse siyaasiyiinta qaar ay doonayaan inay iska hor keenaan isaga iyo madaxweyne Uhuru.
Sidoo kale waxaa uu xusay in yaraantiisa ay is aqaneen madaxweynaha aysan si fudud u kala tageynin.
Balse xidhlibaanka ayaa sheegay in hadalkaasi la qoonsaday uusan uwadin madaxweynaha dalka Uhur Kenyatta oo uu kuwaday siyaasiyiinta ismaamulka kiambu.
Waxaa uu barasabka ismaamulkaasi ferdinan waititi iyo wakiilka haweenka ismaamulkaasi ku eedeeyay inaysan wax mashaaric ka sameynin ismaamulkaasi, iyagoona diirada saaraya oo kaliya la dagaalanka khamriga.
Madaxweynaha dalka uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa sheegay in kona walba oo dalka uu ka fulin doono mashaaric hormarineed.
Madaxweynaha ayaa xusay in qowmiyad walba oo dalkan ku nool xitaa ay ku jiraan soomaalida inay isu arkaan in dalka ay iyaga leeyhiin aysan jirin cida ka xigta.
Hogaamiyaha ugu sare ee dalka ayaa carabka ku adkeeyay in uu yahay hogaamiye xil qaran haaya sidaasi darteedna ay san khasab aheyn inuu mashaaric hormarineed uu geeyo deegaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeeda oo kaliya.
Madaxwynaha ayaa sheegay in aan la joogo wakhtigii wax loo qaban lahaa shacabka kenyaanka, isagoona xusay in isaga iyo Raila Odinga ay ka shaqeyn doonaan sidii loo mideyn lahaay shacabka kenyaanka.
Waxaa uu Uhuru Kenyatta sheegay in isaga iyo Rala ay ka shaqeynayeaan sidii looga hortagi lahaay inaysan mardambe dhicin doorasha dhiiga ku data.
Madaxweynaha ayaa jeediyay eray ay dhibsadeen qaar ka mid ah siyaasiyinta Jublee oo qaarkood ay kula qeybsameen.
Siyasiyiinta qaar ayaa sheegay in hadaladaasi uu jeedinaayo madaxweynaha uu ka dambeeyo hogaamiyaha urur weynaha mucaradka Nasa Raila Odinga.
Raila Odinga ayaa dhankiisa sheegay in siyaasiyiinta qaar ay ku andacoonayaan in isaga waa railaye uu ka shaqeynaya kala geynta xisbiga jublee, balse raila uu taageeray wax qabadka madaxweynaha iyo qaabaka uu u gudanaayo waajibaadka loo igmaday.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa dhankiisa difaacay waxqabadka maamulka talada haya ee jubilee, isagoo madaxweynaha ku taageeray inaynan khasab ahayn in la horumariyo oo keliya degaanka ama gobolka hoggaamiyaha uu ka soo jeedo.
William Ruto ayaa qoraalo dhowr ah oo uu soo dhigay barta twitarka ku sheegay in siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga talada dalka haaya ee Jubilee laga doonayo inay xalliyaan khilaafka dhaxdooda oo aynan kala qeybsanaan dhanka hoggaanka ah ku kicin.
Hasa ahaatee Moses Kuria oo dhawaanahan lagu hadal haaya baraha bulshada ayaa sheegay in naftiisa ay khatar ku jirto.
Xili uu warbaahinta kula hadlaayay dhismaha baarlamaanka dalka ayuu Mr Kuria sheegay inuu qoraal u gudbiyay waaxda dambi barista dalka DCI-da
Waxaa uu sheegay arrinta uu qoray wargeysga the star inay tahay wax ka baxsan khibrada saxaafada, sidaasi darteedna ay dhaawaceen sumcadiisa.
Mr Kuria ayaa sheegay inuu soo dhaweynaayo heshiiskii dhexmaray uhru Kenyatta iyo raila odinga, isagoona sheegay inuu ka raali galinaayo madaxweynaha hadalkii uu jeediyay.
Waxaa uu sheegay inuu warqad u qoray madax xisbiga ODM Raila Odinga oo uu doonaayo inuu mashaariic hormarineed xariga kaga jaro deegaanka isaga laga soo doortey ee waqoyga gatundu.

waxaa Qoray:Anwar Mohamod

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *