Xildhibaanka Gatundu Moses Kuria oo sheegay in naftiisa ay halis ku jirto

Xildhibaanka laga soo doorto Koonfurta Gatundu Moses Kuria ayaa maanta sheegay in ay naftiisa halis ku jirto kadib markii uu dhawaan dhaleeceeyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta.
Xildhibaankaasi ayaa sheegay in uu hanjabaado iyo weerar shaqsiyadeed uu la kulmay tan iyo 31-dii bishii Dec ee sanadkii hore markii uu weerar afka ah ku qaaday madaxweyne Uhuru Kenyaatta.
Moses Kuria ayaa madaxweyne Uhuru Kenyaatta ku eedeeyay inuu hilmaamay dadka ku nool deegaanada Gobolka Mt Kenya.
Hase aahate xildhibaanka koonfurta Gatundu ayaa ka dhawaajiyay in isaga iyo madaxwenaha uu kala dhaxeeyo xariir wanaagsan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *