2 qof oo daacuun ugu dhimatay ismaamulka Narok

Laba qof ayaa la sheegay inay maamul goboleedka Narok ugu dhinteen cudur looga shakiyay inuu yahay daacuunka.
Isbitaalka weyn ee dowlad degaankaasi ayaa waxaa dhanka kale lagu dabiibaya 26 qof oo kale oo uu xannuunkan soo ritay.
Cudurka daacuunka ayaa la soo tabiyay inuu ka dillaacay tuulooyinka Enookasuria iyo Olenguluo oo ku yaallo degaanka koonfurta Narok.
Wasiiradda caafimaadka ee maamul goboleedka Narok ,Vivian Mpeti ayaa sheegtay in baaritaano dheeraad ah la sameynayo.
Ms. Mpeti ayaa intaasi ku dartay inay xaaladda la tacalayaan halka dadka isbitaalada la dhigayna aynan xaaladoodu liidan.
Shacabka ayay ugu baaqday inay nadaafadda si weyn ugu dadalaan .
Sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii cudurka daacuunka laga soo tabiyay dugsiga sare ee wiilasha ee Narok xilligaasi oo laga daaweeyay ugu yaraan 40 arday ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *