2 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Kilifi

Laba qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen shil ka dhacay ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta.
Shilka ayaa yimid kadib markii ay isku dhaceen bas ay leedahay shirkadda Buzeki iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka qaada oo marayay goobta loo yaqaano Bonje .
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay taliyaha saldhiga booliska ee degmada Rabai ,Michael Ndonga.
Waxaa uu intaasi ku daray in baska oo ay saarnayeen shaqaalaha shirkadda uu ku wajahnaa xaafadda Mariakani .
Mr Ndonga ayaa dhacdadaasi nasiib darro ku tilmaamay halka darawalkii looriga kaxeynayay uu xakameynta baabuurka lumiyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *