Ardyda dugsiyada hoose dhexe ee la siinayo casharo ka dhan ah musuqmaasuqa

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC ayaa shaaca ka qaaday in ardayda dhigta dugsiyada hoose dhexe ee dalka ay dhawaan qaadan doonaan casharo ka dhan ah musuqmaasuqa.
Mr Vincent Odongo oo ka mid ah agaasimayaasha EACC ayaa sheegay inay soo saareen manhaj waxbarasho oo arrinkan la xariira hasa ahaate ay sugayaan oo keliya in wasaaradda waxbarashada ay nidaamkaasi tijaabiso.
Ujeedada laga leeyahay tallaabadan ayuu ku sheegay in ardayda inta ay yaryihiin la baro mabaadii’da wanaagsan iyo sida ay isaga ilaalin karaan dhaqamada wax u dhimaya jiritaanka bulshada iyo horumarka guud ee dalka.
Xubnaha guddi ka kooban waaxyo kala duwan ayaa isku raacay in ku tallaaba qaadka arrinkan ay tahay mid wanaagsan oo isbeddel horseedi karta.
Sido kale guddigan ayaa sheegay in 25-ka iyo 26-ka bishan jannnaayo ay xarunta Bomas ee magaaladatani Nairobi ku qaban doonaan shir qaran oo ku aaddan la dagaalanka musuqmaasuqa.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo madaxa cusub ee fulinta ee guddiga EACC Twalib Mbarak lagu wado inuu maalinka isniinta ah la wareego xafiiska.

Guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay  in  madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga uu guddoomin doono xafladda xil wareejinta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *