Canada oo soo dhaweyn doonto hal milyan oo qaxooti ah

Baarlamaanka wadanka Canada ayaa shaaciyay inuu jiro qorsho dowladda dalkaasi ay ku doonayso inay ku qaabisho ugu yaraan hal milyan oo qaxooti cusub ah.
Saddexda sano ee soo socoto ayay Canada qorsheynaysaa inay dadkan la qaabili doono degganaansho la siiyo.
Canada ayaa sannadkii 2017-kii , soo dhaweysay in ka badan 286,000 oo qof waxaana la rajeynaya in tiradaasi ay sannadkan noqoto 350,000 oo qof.
Wasiirka Canada ee socdaalka iyo arrimaha qaxootiga Axmad Xussen ayaa sheegay in qaxootiga cusub ay soo dhaweynayaan.
Waaxda socdaalka ee Canada ayaa ballanqaaday inay 5.6 milyan oo doolar ku taageeri doonto arrimaha dib u dejinta ee caalamka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *