Dowladda Turkiga oo amartay in la xiro 100 eedeysane oo lala xariirinayo Fetxullahi Gulen

Dowladda Turkiga ayaa amar ku bixisay in xabsiyada loo taxaabo in ka badan 100 eedeysanayaal ah oo isugu jiro saraakiil militari iyo xubno horay uga tirsanaa ciidamada difaaca.
Dadkan ayaa lagu eedeyay inay xariir la leeyihiin wadaadka lagu magacaabo Fetxullahi Gulen oo uu Turkigu rumeysanyahay inuu soo abaabulay afgembigii dhicisoobay ee sannadkii 2016-kii.
Iskudaygaasi afgembi ee aanan lagu guuleysan ayaa waxaa ku dhintay 250 qof.
Booliska Turkiga ayaa tan iyo xilligaasi si joogta ah u fulinayay howlgalo ka dhan ah taageerayaasha Gulen.
In ka badan 77,000 oo qof ayaa xabsiyada la dhigay waxaana la sugaya in dacwado lagu soo oogo.
Waxaa shaqooyinkii laga eryay 150,000 oo ka mid ah shaqaalaha dowladda, ciidamo militari iyo kuwo kale.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *