Dowladda UK oo caasimadda Nairobi ugu deeqday 152 milyan oo shilin

Caasimadda dalka ee Nairobi ayaa dowladda ingiriiska ka heshay deeq lacageed oo dhan 152 Milyan oo shilin si loogu adeegsado maareynta musiibooyinka.
Lacagtan ayaa waxaa laga soo saaray sanduuqa dowladda ingiriiska ee loo adeegsado qarashaadka ku baxa cilmi baarista la xariirta caqabadaha caalamka.
Dhaqaalahan ayaa loo adeegsanaya mashruuc soconayo muddo 5 sano ah oo lagu wado inuu billowdo bisha saddexaad ee 2019-ka.
Dr Mark Pelling oo ka mid ah barayaasha culuunta joqoraafiga ee machadka King’s ee magaalada London ayaa sheegay in tani ay fursad weyn u tahay ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay in dhaqaalahan loo isticmaali doono in la soo saaro xeerar, tababarada iyo horumarinta qiimeynta iyo maareynta ku aaddan musiibooyinka.
Dhanka kale barasaabka Nairobi, Mike Sonko ayaa shaaciyay in laga billaabo isniinta la dhimayo qiimaha laga qaado darawaliinta baabuurta dhigta goobaha kala duwan ee caasimadda.
Bayaan xafiiskiisa ka soo baxay ayaa lagu sheegay in wadayaasha baabuurta ay bixin doonaan 200 oo shilin halka horay maalin kasta laga qaadi jiray 300.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *