Hay’adda Amnesty oo ku baaqday in baaritaano caalami ah lagu sameeyo dilkii wariye Khashoggi

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty ayaa mar kale ku baaqday in baaritaano caalami ah oo madax bannaan lagu sameeyo dilkii wariye Jamal Khashoggi.
Wariyahan oo u dhashay Sacuudiga ayaa 2-dii bishii Oktoobar ee sannadkii hore lagu dhex dilay qunsuliyadda boqortooyada ay ku leedahay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Waxaa uu faalooyin ku qori jiray wargeyska ka soo baxa gudaha Maraykanka ee Washington Post si weyna ugu dhaliili jiray hoggaanka ugu sarreeya ee Sacuudi Carabiya.
Andrew Gardner oo ka tirsan hay’addan ayaa sheegay in dowladda Turkiga laga doonayo inay sii waddo dalabaadka ku aaddan in baaritaano lagu sameeyo dilka suxufiga balse beesha caalamka sido kale ay lagama maarmaan tahay inay ka dhabeyso sidii loogu cadaalad fali lahaa qoyskii uu ka baxay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *