Maamulka gobolka Banaadir oo baaraya dabkii xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax ,oo ka hadlay Debkii Xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in ay baaritaano sameyn doonaan.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in halkaasi ay ku baaba’day hanti badan oo ay lahaayeen Ganacsatada Soomaaliyeed.
Waxaa uu sido kale sheegay in dadaal badan lagu bixiyay in la xakameeyo dabka oo dhalin lahaa khasaare intaa ka badan.
Debkii Xalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa sida ay qaar ka mid ah Ganacsatadu sheegeen waxa uu ka billowday qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyda, isagoo kusii faafay qeybaha Maacuunta, Hilibka, Dukaamo iyo Guryo halkaa ka dhowaa.
Deminta Debkan ayaa waxaa gacan weyn ka geysteen maamulka Gobolka , Shirkadaha Madaxa bannaan iyo Dad weyne is xilqaamay .
Tuulax wuxuu sheegay in qeyb badan oo kamid ah Suuqa uu gubatay balse inta ay ogyihiin aysan jirin dadka ku dhintay dhacdadaasi.
Ma ahaan markii ugu horreysay uu dab qabsado Suuqa Bakaaraha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *