Madaxweynaha dalka oo amray in loorkii galeeyda lagu iibiyo 2,500

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook-ga ku sheegay inuu amar siiyay wasiirka wasaaradda beeraha Mr. Mwangi kiunjuri si uu u ansaxiyo in loorkii galeeyda lagu iibiyo 2, 500 oo shlin.
Wasiirka ayuu ku amray inuu ku tallaaba qaado sidii loo fur lahaa xarumo beeraleyda galeeyda loogala wareegayo dalagga ay soo saareen.
Waaxda qaabilsan istaraatiijiyadda la xariirta cunnada ayaa lagu amray inay 90 kiilogaraam oo galeey ah ay beeraleyda kaga iibsato 2 milyan oo shilin iyadoo halkii kiila uu qiimihiisu yahay 2,500 .
Beeraleyda galeeyda ee dalka ayaa horay walaac uga muujiyay qiimo ay dowladda shaacisay oo ahaa 2, 300 oo shilin.
Sido kale madaxweynaha ayaa maamulada kala duwan ugu baaqay inay dardargeliyaan xaqiijinta ay sameynayaan si beeraleyda dhabta ah ee galeeyda lacagahooda loo siiyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *