Wasaaradda tacliinta oo arday ka badan 50 kun u ogolaatay inay dugsiyada bedeshaan

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa shaaca ka qaadday in arday ay tiradoodu gaareyso 50,420 oo ku biiraya fasalka koowaad ee dugsiyada sare ee dalka ay bedesheen xarumihii u soo baxay.
Tallaabadan ayaa lagu fuliyay qaab online ah iyadoo xoghayaha wasaaradda tacliinta Dr. Belio Kipsang uu sheegay in maanta la soo saarayo faahfaahino dheeraad ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda ay qorsheynayso inay dugsiyada sare ku biiraan 1,052,364 oo arday ah.
Dowladda ayaa ku adkeysanaysa in dhammaan ardayda ku biiraya dugsiyada sare lagu diiwaangeliyo nidaamka macluumaadka waxbarasho lagu maareeyo ee loo yaqaano NEMIS.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *