Ciidan Somali iyo Mareykan oo weerar ka fuliyay deegaanka Hantiwadaag ee Shabellaha hoose

Wararka naga soo gaaraya DeEgaanka Hantiwadaag ee Gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalay uu weerar ka dhacay degaankaas.
Degaanka Hantiwadaag, waxaa uu 12km u jiraa degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha hoose,waxaana la xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen Ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Soomaali ah.
Ilo ku dhow degaanka ayaa sheegay in diyaarado dagaal oo waday Ciidanka ay askar ku daadsheen duleedka tuulada kaddibna ay lug ku galeen.
Ilaa hadda lama sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday Tuulada Hantiwadaag oo ka mid ah dhulka ay Al-shabab heystaan.
Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab iyada oo howlgalkani yahay kii lixaad oo uu sanadkan kaliya ka fuliyo Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *