Wiil 19 sano jir ah oo xabsi daa’in lagu xukumay kadib markii uu gabar yar xaamila ka dhigay.

Mohamed Dagane Abdi oo ka soo jeeda ismaamulka Wajeer ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii uu xaamila ka dhigay gabar 11 sano jir ah.
Ninkan ayaa lagu soo eedeeyay inuu gabadha ardayada ah ku faraxumeeyay gurigooda.
Waxaa maxkamada loo sheegay in Gabadhana ay xaamila noqotay kadibna u dhashay qaab abreeshin ah, madaama gabadha ay aad uga yareed da’ada dhalmada.
Mohamed Dagane Abdi ayaa sheegay in kiiskan loogu soo eedeeyay kala duwanaansha ka dhaxeeya qoyskiisa iyo kan gabadha, hasa ahaate xaakinka maxkamada oo lagu magacaabo Mugendi Nyaga ayaa ku heshay dambi.
Intii lagu guda jiray xukunka, xaakinka ayaa sheegtay in xukunkan u tusaale u noon doonta kuwa kale eek u howlan howshan oo akle.
Qaabka loo xaliya kiisaska ceynkan ee loo yaqaano maslaxad ayaa lagu eedeeyay in dhibanayaasha ay helaan cadaalada.
Odeyaasha iyo gudoomiya xaafadeedka ayaa iyagana lagu eedeeyay inay qeyb ka yihiin wadahadalka lagu gaaro maslaxada ee dhibanayaasha ka horistaaga helida cadaalada.
Gudoomiyaha dowlada dhexe dhanka amaanka u qaabilsan ismaamulka wajeer ayaa dhankiisa sheegay inay digniin u tahay kuwa ku kaca falalka ceynka ah ee umaleeya inaan cadaalada la marsiineyni.
Sida lagu sheegay warbixinta booliska , ugu yaraan 10 kiis oo kufsi ah ayaa sanadkii 2018-kii laga soo tabiyay ismaamulkaasi, kisaskaasi badankood waxay wali horyalaan maxkamada.
Magaalada habasweyne ayaa laga soo tabiyay kiisaska ugu badan ee lagula kaco gabdhaha yaryar.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *