Qarax sababay Gas oo ka dhacay magaalada Paris ee dalka France

Qarax xoogan ayaa lagu soo waramayaa inuu ruxay Magaalada Paris ee dalka Faransiiska kadib markii uu qaraxani ka dhasahy gaas qabsaday bad.
Qaraxan ayaana ka dhacay xaafada Rue de Trevise oo xigta Waqooyiga Magaalada Paris.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in qaraxani ay maleynayaan in uusan aheyn mid ay soo abaabuleen waxa ay ugu yeereen argagixisada balse uu ka dhashay Gaas dab qabsaday maadaama meesha uu ka dhacay qaraxa ay Foorno aheyd.
Dad badan ayaa ku waxyeeloobay qaraxaasi waxaana la geeyay isbitaalka magaalada Paris.
Sawiro laga qaaday goobtii uu qaraxu ka dhacay ayaa muujinayaa in qaraxaasi uu ahaa mid aad u culus.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *