Madaxweynaha oo dhalinyarada ugu baaqay inay qabyaaladda ka fogadaan

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dhalinyarada ay yihiin madaxda mustaqbalka sidaasi awgeedna laga doonayo inay iska ilaaliyaan arrimaha kala qeybsanaanta keeni karo oo ay ka midka tahay qabyaaladda.
Mr. Kenyattta ayaa amaanay lamaane ka soo jeedo laba ka mid ah qabaailka dalka balse go’aansaday inay noolol wadagaan.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu si weyn u tixgelinayo go’aanka ay qaataan dhalinyarada iyagoo eegaya cidda ay wax la barteen, wada shaqeyaan ama xariir kale oo aanan walaaltinimo ama isir ku saleysan uunan ka dhexeynin.
Hadalkan ayuu ka jeediyay xaflad aroos oo ka dhacday xaafadda Karen ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa isguursaday gabadh uu dhalay barasaabka ismaamulka Meru Kiraitu Murungi oo lagu magacaabo Makena Murungi iyo James Bukusi
Madaxweynaha dalka ayaa shacabka kenyaanka ah gaar ahaan dadka waweyn kula taliyay inay da’yarta garab ku siiyaan dadaalka ay muujinayaan ee ku aaddan midnimo iyo inaan lagu kala qeybsamin kala duwanaansho dhanka isirka ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *