Maxkamadda oo go’aan ka soo saartay musaafurintii haween u dhashay Pakistan

Maxkamad uu fadhigeedu yahay magaaladatani Nairobi ayaa gaashaanka u daruurtay codsi ku aaddana in wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangi iyo dhigiisa cayaaraha Rashid Echesa lacago magdhow ah siiyaan haween dhalasho ahaan ka soo jeeda Pakistan oo wadanka laga musaafuriyay.
Haweenkan oo Kenya u yimid inay sameyaan bandhigyo dhaqameed ayaa lagu eedeyay inay ku kaceen arrimo kale.
Booliska dalka ayaa gacanta ku soo dhigay iyagoo sida la sheegay ku sugan goob lagu caweeyo taasi oo xadgudub ku ah shruucda iyo waxyaabihii lagu heshiiyay ee ay wadanka ku soo galeen.
Qareenka haweenkan u doodaya ee lagu magacaabo Evans Ondieki ayaa maxkamadda ka codsaday inay Matiangi iyo Echesa ku amarto inay bixiyaan magdhow lacageed oo dhan 9 milyan oo shilin.
Hasa ahaate garsoore Kennedy Cheruiyot ayaa codsigaasi dhinac isaga digay wuxuuna go’aamiyay in lagu wareejiyo maxkamadda sare ee dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *