Shaqooyinka maamulada Maraykanka oo maalinkii 23-aad xanniban

Waxaa maalinkii 23-aad xanniban howlaha maamulada Maraykanka iyadoo weli la isku maandhaafsanyahay gidaarka madaxweynaha dalkaasi Donald Trump uu doonayo inuu ka dhiso xadka kala qeybiyo wadankiisa iyo Mexico.
Mr. Donald Trump ayaa qorsheynaya in 5.7 bilyan oo doolar uu derbigaasi ku dhiso.
In kastoo uu wacad ku maray in hadii arrinkan laga hor istaago uu ku dhawaaqayo xaalad degdeg ah si loogu ogolaado inuu dhaqaalaha loogu talagalay mashaariicda kale uu u soo weeciyo dhinaca dhismaha derbiga haddana weli uma suurtagelin.
Howlaha maamulada Maraykanka ayaa xirmay intii u dhexeysay sannadihii 1995-1996-kii balse xaaladda hadda jirta ayaa middi hore aad uga duwan.
Xilligaasi ayay shaqooyinka hakad galeen muddo 21 maalmood ah waxaana Maraykanka markaasi hoggaaminayay Bill Clinton.
Waxaanan weli musharaad helin ilaa iyo 800,000 oo shaqaale ah oo la doonayay inay lacago qaataan jimcihii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *