Ururka KUPPET oo ka hadlay waxbarashada sare ee dalka

Madaxda ururka ay ku mideysanyihiin macalimiinta dalka ee KUPPET ayaa walaac ka muujiyay inay wadanka ka jiraan caqabado dhowr ah oo la xariira tacliinta sare.
Xoghayaha guud ee ururka KUPPET Mr. Akello Misori ayaa hoosta ka xariiqay in la doonayo in arrimo dhowr ah la xalliyo ka hor inta dowladda aynan ku tallaaba qaadin barnaamijka boqolkiba boqol ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay ugu gudbayaan dugsiyada sare.
Dhibaatooyinka jira ayuu sheegay inay ka mid tahay tirada ardayda ee hal fasal wax ku barta oo badan, buugaagta casharada laga raacdo oo aanan ku filnayn, macalimiinta oo ay weli tiradoodu hooseyso iyo kuwo kale.
Guddoomiyaha KUPPET, Omboko Milemba oo sido kale arrimahan ka hadlay ayaa sheegay in dugsiyada sare ay sannadkan qaabileen tiro arday oo xad dhaaf ah marka loo eego adeegyada ay bixiyaan .

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *