Wasiirkii Hore Ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo Baaq U Diray Madaxweyne Saciid Deni

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ee dowladii Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa ka hadlay Doorashadii dhawaan uu ku soo baxay Madaxweynaha cusub ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isagoona baaq u jeediyay. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Saciid Deni looga baahan yahay in uu la yimaado waxqabad cusub,isla markaana uusan marin halkaasi horey u mareen Madaxdii isaga ka horeeyay.
Ismaaciil Hurre ayaa sido kale madaxweyne Deni ugu baaqay in dagaalka u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland lagu dhameeyo wada hadal dhexmara labada dhinac.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Deni ayuu tilmaamay in uu xil iska saaro sidii loo dhammeyn lahaa Colaada u dhexeeysa Puntland iyo Somaliland,taasi oo ka taagan xuduudka labada dhinac ay wadaagaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *