Waxgarad soo jeediyay in 9-ka bisha saddexaad laga dhigo maalin fasax qaran ah

Koox waxgarad kenyaan ah ayaa soo jeediyay in dowladda ay ku dhawaaqdo in 9-ka bisha saddexaad ee sannad kasta ay tahay maalin qaran oo fasax ah.
Waxay sheegeen inay tahay maalin la doonayo in loo dabaaldego xasiloonidii wadanka ay u horseedday kulankii madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa urur weynaha mucaaradka Nasa, Raila Odinga.
Labadan mas’uul ayaa si lama filaan ah 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore ugu kulmay daartay Harambe House ee magaaladatani Nairobi.
Halkaasi ayay isgacanqaad ku sameyeen waxay shaaciyeen inay ku heshiiyeen ka shaqeynta midnimada shacabka.
Kulanka dhex maray labadan siyaasi ayaa yimid iyadoo wadanka uu xilligaasi ku jiray xaalad cakiran oo siyaasadeed.
Ururka ay ku midoobeen waxgaradka dalka ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in taarikhdaasi la doonayo in sannadaha soo socdo la xuso.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *