3 eedeysane oo loo haysto weerarkii Westgate

Maxkamad uu fadhigeedu yahay Nairobi ayaa sheegtay in saddex ka mid ah afar qof oo lagu soo eedeyay inay ka dambeyeen weerarkii 2013-kii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate dacwad lagu soo oogi karo.
Garsoore Francis Andayi oo ka howlgalo maxkamadda Milimani ayaa maanta oo isniin ah sheegay inay jiraan su’aalo la doonayo in saddexda qof wax laga weydiiyo.
Waxaa uu intaasi ku daray in waaxda dacwad soo oogidda ay soo bandhigtay caddeymo wax ku ool oo ka dhan ah.
Hasa ahaate waxaa uu amray in la siidaayo eedeysane afaraad oo lagu magacaabo Aadan Deeq maadaama aynan jirin wax caddeyn ah oo loo cuskan karo inuu dembiile yahay.
Saddexda kale ee la maxkamadeynayo ayaa kala ah Axmed Cabdi, Libaan Cumar iyo Xussein Mustafa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *