Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay xeerka wax ka badalka hanti dhowrka guud ee Qaranka

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa sheegay in sharcigan labo jeer cod loo qaadayo,12 Xildhibaan ayaana soo jeediyay qoraal ay ku codsanayeen in wax laga bedelo qodobada qaar ee hindise sharciyeed.
Xildhibaan Cismaan Xaaji Cali ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyay qodobada ay dalbanayaan in wax laga bedelo, isagoo soo jeediyay in sharciga loogu yeeri Sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka, lagana bedelo magaca ah Sharciga Hanti Dhowrka Guud ee Federaalka.
Intaas kaddib Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sh C/raxmaan ayaa dalbaday in cod loo qaado sharcigaan, codka oo ahaa gacan taag ayaa waxaa ogolaatay 163 Xildhibaan, halka 13 Xildhibaan ay diiday, iyadoo aysan jirin cid ka aamustay.
Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa xildhibaanada kaga mahad celiyay ansixinta Sharciga Hanti Dhowrka Guud, isagoo balan-qaaday in sharcigaan ay ku dhaqmi doonaan, isla markaana uu yahay sharci si aad ah looga soo shaqeeyay.
Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa guda galaya dooda ku aadan Xeerka Bangiga Dhexe oo horay Golaha Wasiirada ay u soo ansixiyeen wax ka bedelka qodobkiisa 130aad, waxaana Baarlamaanka loo soo gudbiyay dib u eegis lagu sameeyo qodobada xeerkaas, gaar ahaan qodob ogolaanaya in Guddoomiyaha Bangiga Dhexe uu noqon karo shaqsi ajnabi ah.
176 Mudane ayaa soo xaadiray kulankii baarlamaanka ee Maanta 163 xildhibaan ayaa ogolaaday waxka badalka xeerka Hanti dhowrka Guud ee qaranka, waxaa diiday 13 xildhibaan.
Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay hindise sharciyeedka hanti dhowrka guud ee Qaranka.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay ku kala aragti duwan yihiin waxka badalka xeerka maamulka Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa Baarlamaanka u sheegay in hal qof oo ajnabi ah dalka oo dhan looga galayo qiyaano Qaran. Sidoo kalane lagu tumanayo Sharciga Bangiga dhexe waxa uuna Xildhibaanada ka dalbaday iney ka fiirsadaan talaabadaasi.
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Sadiiq Warfaa iyo Xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa taageeray qorshaha wax kaabdalka Sharciga Bangiga dhexe oo hada horyaala Baarlamaanka.
Waxaa jira doodo culus oo ku saabsan Sharciga wax kabadalka Bangiga dhexe ee kaasoo dhawaan ka soo gudbay Golaha Wasiirada Soomaaliya, maanta ayaana la filayaa iney go’aan ka gaaraan Baarlamaanka Soomaaliya.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *