Ciidamada booliska dalka oo tirakoob lagu sameynayo

Waxaa la filaya in guud ahaan wadanka uu ka billowdo tirakoob lagu sameynayo ciidamada booliska si loo xaqiijiyo tirada rasmiga ah.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in meesha laga saaro shakhsiyaadka been abuurka ah ee sheegta inay ka tirsanyihiin laamaha ammaanka.
Sido kale ujeedada laga leeyahay ayaa ah in la soo afjaro nidaamka saraakiisha dhintay qaar kalena ay howlgab noqdeen ay weli uga mid yihiin hannaanka mushaar bixinta ee dowladda.
Qiyaastii 1,500 oo sarkaal ayaa sannad kasta sababo kala duwan uga baxa waaxda booliska dalka.
Abaanduulaha booliska Mr. Joseph Boinnet ayaa qoraal uu maalmo ka hor soo dhigay twitarka ku sheegay in guud ahaan wadanka laga billaabay diiwaangelinta dijitaalka ah ee ciidamada ammaanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *