DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in dakhliga gudaha uu kordhay labadii sano ee ugu danbaysay.

Wasiirka wasaarada Maaliyada Dowlada Fedraalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay uu dakhliga gudaha Soomaaliya kordhay boqolkiiba 64.
Wasiir Bayle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in koboca dhaqalaha gudaha Soomaaliya uu hada ku socdo Ifafaale wanaagsan marka la fiiriyo meesha uu ahda marayo iyo labo sano ka hor halkii uu joogay.
C/raxmaan Ducaale Bayle Wasiirka wasaarada Maaliyada Dowlada Fedraalka Soomaaliya ayaa xusay in inay sanadkaan hada bilowga ah ee 2019-ka ay rajaynayaan in markale uus are u kac sameeyo dakhliga gudaha Soomaaliya isagoo shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay qoondada aadka u yare e Canshuurta ah dhiibaan iyagoo aan sugan in laga soo doono si ay dhismaha dalka qayb uga noqoto.

Dowlada Fedraalka Soomaaliya aya dadaal ugu jirta sare u qaadida dhaqaalaha gudaha waxaana jira talaabooyin arintaasi looga mira dhalinayo oo la qaatay sida la dagaalan musuqa,islaxisaabtanka iyo bixinta canshuuraha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *