DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in aysan Shatiyo siinin Maraakiibta Kalluunka Xaalufiya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Bidhaan Warsame oo Xafiiskiisa Saxaafadda Kula hadlayay ayaa ka warbixiyay dhawaan Shirkado ay shati siisay Wasaaraddu.
Waxaa uu sido kale faahfaahi ka bixiyay dadaalka wasaaradda ay ugu jirto horumarinta howlaha horyaala.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ay qorshaynayso inay u raadinayso khayraadka dhanka Kalluunka soomaaliya Maalgelin iyo suuq-gayn Wadamada deriska la ah soomaaliya iyo dalal kale ee caalamka.
Waxaa uu wasiirku intaas ku daray in aysan waxba ka Jirin hadalada dadku Isla dhexmarayaan ee sheegaya in Wasaaraddu ay shatiyo siisay Maraakiibta wax Xaalufiya,kuwaasi oo lidi ku ah Sharciga Kalluumaysiga ee Baarlamaanka meel mariyay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *