Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo shabaab ka dhan ah oo laga dareemayaa gobolka Galgaduud.

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in Maamulka Galmudug ay wadaan diyaarinta ciidamo loogu talo galay inay fuliyaan howlgalo ka dhanka
ah dagaalamayaasha Al-shabaab ee jooga deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Saraakiisha Ciidamada ku sugan deegaanada maamulka Galmudug ayaa sheegay inay Dhawaan weeraro ku qaadi doonaan xooggaga Al-shabaab, si looga saaro deegaanada ay wali gacanta ku hayaan.
Wasaarada amniga ee maamulka Galmudug ayaa sheegtay in Qorshahaan abaabulka dagaalka si weyn looga dareemayo magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud.
Shalay ayay aheyd markii maamulka Galmudug ay ciidamadii ugu badnaa ku soo bandhigeen Bartamaha Magaalada Dhuusa Mareeb.
Deegaano badan iyo gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya waxaa mudo dheer gacanta ku haya xoogga AL-shababa waxaana markasta ay sheegeen maamulada deegaanadaasi inay qaadi doonaan howlgalo xooggagaas ka dhan ah wallow aan wali lagu guulaysan in AL-shabaab laga wada saaro deegaanada y dalka Soomaaliya kaga sugan yihiin.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *