Dowladda Kilifi oo laba jibaareysa lacagaha ardayda looga bixiyo waxbarashada

Maamul goboleedka Kilifi ee gobolka xeebta ayaa shaaciyay inuu laba jibaarayo lacagaha ardayda danyarta ah looga bixiyo tacliinta dugsiyada ee loo yaqaano bursary.
Dhaqaalahan oo hadda ah 350 millyan ayaa laga dhigaya 700 milyan oo shilin marka la gaaro bisha lixaad ee sannadkan.
Guddoomiye ku xigeenka ismaamulkaasi Gideon Saburi ayaa sheegay inay go’aankan qaateen kadib markii ay soo baxday baahi badan oo dhinaca qarashaadka waxbarashada ah iyo culeys ay waalidiinta dareemayaan oo u baahan in laga qafiifiyo.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo uu jiro olole loogu jiro in afti loo qaado dastuurka wadanka u degsan si la isugu daro maamulada qaar.
Dhanka kale xoghayaha guud ee xisbiga ODM Mr. Edwin Sifuna ayaa beeniyay hadal ka soo yeeray barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko oo uu ku sheegay in xisbigaasi uu codsi u soo dirsaday si uu ku xigeenkiisa uga dhigo haweeney ay soo xusheen.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *