Guddoomiyaasha saddex maamul goboleed oo billaabay olole ka dhan ah saboolnimada

Dr. Alfred Mutua, guddoomiyaha Machakos, dhigiisa Makueni Prof. Kivutha Kibwana iyo Charity Ngilu oo Kitui hoggaamisa ayaa yeeshay kulan hal maalin socday oo diiradda lagu saarayay istaratiijiyado dhowr ah oo dhanka horumarka ah.
Waxay shaaca ka qaadeen inay soo dhisayaan dhaqdhaqaaq xoogga saaraya sida lagu horumarin karo noolosha shacabka.
Ajeendayaasha ugu waweyn ee ololahan ayaa ah in la ciribtiro saboolnimada , hanti abuur la sameeyo sido kalena la mideeyo shacabka ku nool bariga wadanka iyo guud ahaan qaranka.
Mrs. Ngilu ayaa sheegtay in shacabka degaanadasi ay in muddo ah dhibaatooyin haysteen taasi oo ay u aaneysay hoggaan xumo.
Prof. Kibwana ayaa dhankiisa xusay inay lagama maarmaan tahay in dadweyanha loo sameeyo wacyigelin ku aadan tirakoobka qaran iyo aftida lagu bedelayo dastuurka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *