Hoggaamiyaasha ismaamulada oo maanta guddoomiye cusub dooranaya

Golaha ay ku mideysanyihiin madaxda maamul goboleedyada dalka ee COG ayaa maanta la filaya inuu yeesho guddoomiye cusub oo xilka kala wareegaya Mr. Josphat Nanok.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ay jirto dood ku aaddan in dowladda dhexe iyo ismaamulada ay si siman u qeybsadaan dakhliga qaran.
Barasaabka maamul goboleedka Turkana Josphat Nanok ayaa mar kale doonaya in loo doorto xilka guddoomiyaha golaha COG kadib markii uu dhammaaday muddo xileedkiisi ahaa hal sano.
Sido kale xilka guddoomiyannimo waxaa loolan ugu jiro barasaabka ismaamulka Kirinyaga Ms. Anne Waiguru ,Mr Wycliffe Oparanya oo ah guddoomiyaha (Kakamega), Prof Anyang’ Nyong’o (Kisumu), Mr Salim Mvurya (Kwale) iyo Mr Jackson Mandago oo hoggaamiyo (Uasin Gishu).
Waxaa sido kale la doonaya guddoomiye ku xigeen, mas’uulka qaabilsan dhanka nidaamka iyo kala dambeynta iyo guddoomiyaasha guddiyada kala duwan.
Waxaa horay xilka guddoomiyannimo ee COG u soo qabtay Issac Ruto iyo Peter Munya oo kala hoggaamin jiray dowlad goboleedyada Bomet iyo Meru.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *