Shacabka Zimbabwe oo ka carooday qiimaha shidaalka ee la kordhiyay

Dadweynaha ku nool wadanka Zimbabwe ayaa soo bandhigay sida ay uga carodeen tallaabada dowladda dalkaasi ay ku kordhisay qiimaha shidaalka ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Emmerson Mnangagwa.
Dhaqaalaha wadanka Zimbabwe ayaa hooseeyay in ka badan toban sano wuxuuna hadda Mr. Emmerson doonaya inuu kobciyo.
Sido kale waxaa Zimbabwe muddooyinkii ugu dambeeyay ka jiray caqabado ay ka mid yihiin dhaqaale yari, shaqa la’aan baahsan iyo rootiga iyo saliidda cunnada lagu kariyo oo dhawaan gaabad ku yimid.
Mr. Mnangagwa ayaa shaaciyay in qiimaha noocayad shidaalka ay laba jibaarmayaan.
William Masuku oo ka mid ah shacabka ku nool magaalada Bulawayo ayaa warbaahinta u sheegay in amarkan uu horseedayo dhibaato dheeraad oo dhanka dhaqaalaha ah.
Dalladda ay ku midoobeen ururada ganacsiga ee Zimbabwe ee (ZCTU) ayaa dowladda ku eedeysay inaynan wax naxariis ah u muujin shacabka saboolka ah ee uu culeyska dhanka noolosha haysta.
Madaxa mucaaradka MDC ,Nelson Chamisa ayaa xaaladda hadda wadankaasi ka jirta ku sheegay inay isku bedeli karto mid bani’aadannimo oo daran.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *