Turkiga oo ka jawaabay hanjabaadda Trump

Dowladda Turkiga ayaa si caro leh uga jawaabtay hanjabaadda ka soo yeertay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Mr. Trump ayaa ku goodiyay inuu burburin doono dhaqaalaha Turkiga waa haddii Turkiga uu weeraro xoggaga Kurdiyiinta ee ka dagaallama Suuriya.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in hadalka Trump ay muujineyso cadaadiska Trump saaran isagoo intaasi ku daray inaynan marnaba habooneyn in xiriirka saaxibtinmo ee ka dhexeeyo Turkiga iyo Mareykanka aanan looga hadlin baraha bulshada.
Afhayeenka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, Ibraahim Kalin ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inay filayaan in Mareykanka uu qaddariyo saaxibtinimada kala dhexeeyso ee dhanka iskaashiga gobolka.
Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Trump ayuu ku sheegay uusan dooneynin in kooxda Kurdiyiinta ee xukuumadda Ankara ay u aqoonsan tahay argagixisada aanan la daandaasado.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si caro leh uga jawaabay tageerada Mareykanka ee kooxda Kurdiyiinta, wuxuuna ballan qaaday inuu cagta marin doono maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *