Milatariga Israel oo weeraray Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Iran

Milatariga Israel ayaa weerarro ku qaaday saldhigyada Iran ay ku leedahay dalka Suuriya , weeraradda ayaa loo adeegsaday duqeymo dhanka cirka ah sidda ay sheegtay warbaahinta dalka Suuriya.
Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa sheegtay in ciidamada difaaca ee Suuriya ay burburiyeen in ka badan 30 gantaal oo ay soo rideen Ciidanka Israel.
Weerarka lagu bartilmaameedsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Dimishiq ayaa waxaa ku dhintay afar Askari oo Suuriya ah, lix kalena waa ay dhaawacmeen, Maadaama saldhigga uu ku yaalla Meel u dhow Garoonka.
Ciidamada Qudus ayaa mas’uul ka ah howlgalladda Iran ee Suuriya, waxaana ay si weyn uga hortaggaan weeraradda Israel ee ku wajahan Suuriya
Iran waa taageeraha ugu weyn ee madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad iyo ciidamadiisa ku sugan dagaalka muddo dheer socday.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *