Dhalinyarada oo la shaqaleysiinaya kadib marka la tijaabiyo

Golaha qaran ee qaabilsan arrimaha dhalinyarada ee NYC ayaa sheegay in waaxyaha dowladda ay shaqaleysiin doonaan ardayda ka qalinjabiyay jaamacadaha ee qaatay tijaabada la xariirta culuunta ay barteen.
Guddoomiyaha NYC ,Fatuma Abubakar ayaa hoosta ka xariiqday inay maamulka qaran ee shaqaleysiinta ee (NEA) ay la yeesheen wada hadalo arrimahan ku saabsan.
Waxay intaasi ku dartay inay xoogga saarayaan sidii loo howlgelin lahaa qof kasta oo jaamacadda dhameeya kadibna qaato tijaabo ku filan si uu u helo khibrad shaqo.
Sido kale guddoomiyaha ayaa carrabka ku dhufatay in shaqa la’aanta ay da’yarta u horseedi karto in la duufsado oo laga abuuro fikradaha wax u dhimaya xasiloonida dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *